MASUULIYIIN KA TIRSAN WASAARADDA QORSHEYNTA IYO ISKAASHIGA CAALAMIGA OO MUQDISHO KULA KULMAY ERGO KA SOCOTAY MIDOOWGA YURUB

Shalay oo eey taariikhdu aheyd June 17 sanadka 2015 ayaa masuuliyiin ka tirsan wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga la yeesheen wafdi ka socday midoowga yurub.

Shirkaan ayaa ahaa kulan is xog wareysi , qorsheyn iyo habka toosan ee loo dhaqan galin karo mashaariicda balaaran oo eey midoowga yurub ugu deeqaan dalka soomaaliya.

Ugu horeyn waxaa halkaas ka hadlay xoghayaha joogtada wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga mudane abdi ciise diirshe kaas ugu horeyn mahadcelin u diray wafdiga iyo dadaalkooda “waad ku mahadsantihiin imaatinka aad muqdisho imaateen markle kuna soo dhowaada, waxaan rabaa inaan halkaan ugu faa’ideysto inaa mahad balaaran u gudbiyo madaxda midoowga yurub iyo waliba shaqaalahooda oo had iyo jeer garab istaagan shacabka soomaaliyeed” ayuu yiri mudane diirshe.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu mudane diirshe ka hadlay mashaariicda midoowga ugu talo galeen soomaaliya “mashaariicda aad ku taageereysaan soomaaliya aad ayay qiimo weyn iyo waxtar ugu leeyihiin waxaana idinka rajeyneynaa inaad sii laba laabtaan, soomaaliya waa dal burburay oo dagaalo ragaadiyeen mana fududa in dib loo dhiso hey’adaha dowliga ah laakiin allah mahadiisa dadaal badan kadib iyo taageero debida ah ayaa waxaa la si wanaagsan u howlgalay howlahii dowliga ahaa” ayuu mudane diirshe yiri.

Madaxa iskaashiga midoowga yurub ee soomaaliya fane daria ayaa iyadana sheegtay sideey ugu faraxsantahay in eey la kulanto masuuliyiinta wasaaradda qorysheynta iyo iskaaashiga caalamiga iyo sida aqoontu eey ku jirto oo eey u wadaan howlaha wasaaaradda, waxeeyna tiri “waad ku mahadsantihiin kulanka aad naga aqbasheen iyo waqtigiina adag oo aad na siiseen, waana ku faraxsanahay in mashuuliyiin xirfad iyo aqoonba leh sidiina oo kale inaa la shaqeeyno,waxaana rajeyneynaa in aan wax badan oo dalka soomaaliya waxtar u leh ka wada shaqeyneyno mustaqbalka dhow”

“mashaariicda aan ku caawineyno soomaaliya oo aan sanadkaan qaban doono ayaa kala ah, ka qeybqaadashada dhismaha dowlad dhameystiran iyo nabad, waxbarashada iyo yareynta am aka hortagga saboolnimada taas oo ah in la caawiyo lana xoojiyo kaabayaasha dhaqaalaha soomaaliya” ayay tiri daria, iyadoo sii raacisay “waxaana u kala qeybin doonaa guud ahaan dalka iyo maamuladiisaba, si qof muwaadin kasta u helo waxa uu xaqqa u lahaa si sinaan iyo cadaalad ku jirto”.

Agaasimeyaasha guud ee wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ee shirkaaan ku jiray ayaa iyaguna ka hadlay dhowr arimood oo run ahaantii muhiim u ah sida mashaariicdaas loo hirgalin lahaa .

Ugu dambeyntii waxaa la isla afgartay in usbuuca soo socda a qabto shir weyn iyo saminaar oo wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga iyo midoowga yurub ergadooda soomaaliya u qabtaan wasaaradaha dowladda federaalkan soomaaliya si eey dhamaan isla mee dhigaan habka barmaajiyadda loo qariiradeyn lahaa.