Wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Saciid Cabdulaahi Maxamed , iyo wasiir ku xigeenka wasaaradaasi Cabdulaahi Sheekh Cali Qaloocow ayaa maanta kulan la qaatay isku duwaha arrimaha Bini’aadanimada Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Philippe Lazzarini.

Kulanka oo qaatay saacado badan ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yahiin sidii hore loogu qaadi lahaa Xiriirka dowladda iyo deeqa bixiyaasha, hiigsiga cusub ee (NEW Deal ) iyo sidii ay wasaaradda ay ugu caawin lahayd howlaha horyaala.

Markii uu soo idlaaday kulanka kaddib ayaa waxaa warbaahinta si wadajir ah ula hadlayay wasiir ku xigeenka wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ha iyo Philippe Lazzarini.

Isku duwaha arrimaha bni’aadinimada ee umadaha midoobay u fadhiya dalkeena ayaa sheegay in ay u yimaadeen dalka in ay kor u qaadaan xiriirka wasaaradda iyo UN-ka, waxaana uu sheegay in ay dhaqan galinayaan waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Mudane Cabdulaahi Sheekh Cali Qaloocow oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa sheegay in arrimo badan ay ka wada hadleen isku duwaha oo ay ugu horeyso horumarinta dalka iyo in la xoojiyo wada shaqeynta wasaarada iyo Qaramada Midoobay.

Dowladda Soomaaliya ayaa dalbatay in gacan laga siiyo baahiyaha ka jira dalka.