Kulan aqoon isweydaarsi ah oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana kulankan oo bishiiba mar la qabto looga hadlay waxyaabaha u qabsoomay iyo caqabadaha hortaagan guud ahaan dowladda federaalka, gaar ahaana Qorshaha Qaranka oo howshiisu socoto.

Kulankii maanta ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray u diyaar garowga iyo iskaashiga qorshaha Qaranka ee dhexmara  Wasaradaha dalka si loogu guuleyso diyarainta qorshaha hormarinta ee Qaranka.

Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga oo la hadalay Warbaahinta ayaa sheegay in kulankaan iyo waxyabihii sida gaarka looga hadlay ay muhiimad gaar ah u leeyahay Qaranka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Qorsheynta ayaa ku howlan diyaarinta qorshaha horumarinta Qaranka, kaasoo lagu wado inuu hirgali doono sanadka 2017, lana soo gabo gabeyn doono sanadka 2019-ka.