Wasiirka Qorsheynta Magaalgahsiga iyo Horumarinta dhaqaalaha
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa hortagay Golaha Aqalka sare ee dalka,Waxaana kulanka golaha aqalka sare shir guddoominayay Guddoomiye ku_xigenka 1 aad Abshir Maxamed (Abshir buqaari).

Ugu horeen Wasiir Jamaal Maxamed Xasan, ayaaa munayaasha ugu warbaxiyay qaab dhismeedka Wasaaradda iyo horumarada ay sameysay Wasaaradda, sidoo kale waxuuu sharxaad ka siiyay mashaariicda hada ka
socda gobolada dalka,iyo ahmiyadda uu u leeyahay qorshaha horumarinta qaranka dalkeena.

Dhanka kale Agaasimaha guud ee Agaasinka Qorsheynta C/qaadir Maxmaed Aadan ayaa Golaha Aqalka Sare sharxaad ka siiyay tiirarka uu ka kooban yahay qorshaha Horumarinta Qaranka,isla markaana dul istaagay  tiir walbo ahmiyadda uu u leeyahy Dalka. Sidoo kale agaasimaha xafiiska ogolaansha mashaariicda qaranka Zakariye Cabdullaahi Xassan ayaa isna la wadaagay golaha warbixin iyo faahfaahin ku saabsan xafiiska NAO iyo shaqooyinka uu qabto isla markaana si qoto dheer ugu hadlay mashaariicda dalka ka socda iyo qaababka ay ugu shaqeeyaan.

Sharaxaadda ka dib ayaa qaar ka mid ah Sanatorada  Aqalka Sare, ayaa su’aalo la xariria shaqada Wasaaradda iyo mashaariicada ka socda dalka, deeqaha lacagaha beesha caalamka ugu talagashay sida loo maamulo, in si siman  dalka looga hirgaliyo mashaariicda, dowlad gobaleedyada  muhiiimada gaarka ah ee ugu jira qorshaha Horumarinta qaranka maxay ku saleysan tahay,ayee  waydiiyeen wasiirka Qorsheynta maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha XFS,Mudane jaamal Maxamed Xasan.

Wasiirka Jamaal Maxamed Xasan wax uu soo dhaweyay su’aalaha ay waydiiyeen munayaasha,waxuuna aragti wanaagsan ka siiyay waydiimahooda ku aadan shaqooyinka socda iyo muhiimada Qaranka uu u leeyahay
Qorshaha Horumarinta Qaranka, sidoo kale Wasiirku wuxuu Mudanayaasha ka
codsaday  in ay u wada istaagan  sidii dalka  khayraadkiisa looga faa’iideysan lahaa.

Guddoomiye ku_xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka Sare  Abshir Maxamed (Abshir Buqaari) ayaa bogaadiyay howlaha  dalka u hayaan Wasaaradda Qorsheynta iyo howlwadeenadeeda, isagoo u mahadceliyay sida wanaagsan ay xubnaha Aqalka sare ay ugu sharaxeen  howlaha kala duwan ee dalka ka socda.

 

Dhamaad

Waaxda